MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib markii maanta Dowladu xanibtay socodkii iyo shaqadii shirkadaha diyaaradaha ee gudaha dalka ka shaqeeya sababo lagu sheegay inay diideen inay Dowlada ciidamo u qaadaan ayaa ugu dambeyn heshiis kala saxiixday.
Heshiiskaan oo aaney labada dhinac si rasmi ah u shaacin hadana wararka aan heleyno ayaa sheegaya in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay ka mid tahay in laga bilaabo berrito oo Sabti ah shirikadaha diyaaradaha waxay u hogaansamayaan amarka Dowlada.
Duulimaadyo badan ayaa la sheegay inay diyaaradahaasi ku tagi doonaan magaalada Raaskan-booni xili ay ciidamo Dowlada ka tirsan geyn doonaan halkaasi kuwaasoo gaari doona labatameeyo duulimaad walow ay maalmo qaadan doonto.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in Dowladu ku cadaadisay shirkadaha inay amarka qaataan islamarkaana shirkadii diida loo sheegay in shatiga lagala laaban doono.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement