MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeeyay  Ethiopia inay faragelin iyo iska horkeen beelaha Soomaaliyeed  ah ka waddo gobolka Gedo.

Dowlada Somalia waxay cambaareyneysaa yalaabada Dowlada Itoobiya isaga hor keeneyso Beelaha Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan Gobolka Geddo.

Advertisement

“talaabadaan uu ku dhaqaaqay Maamulka Adis-ababa waxay qeyb ka tahay xad-gudubyada Dowlada Itoobiya ee ka dhanka ah madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowlada.

Warka Dowlada waxaa sidoo kale lagu sheegay inay ka hor tageen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Magaalada Doolow xili ay rabeen inay soo galaan Magaalada Balad-xaawo.

Dhanka kale Qaramada Mudoobe iyo Mudowga Afrika waxay Dowladu ugu baaqday inay cambaareeyaan falalka Itoobiyaanka ay ku dhaqaaqayaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

May be an image of text

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here