Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee XFS, ayaa kulan ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaa loogu doortay Guddoomiyaha Madasha Haweenka, Nabadda iyo Amniga ee Urur Gobaleedka IGAD (IWPSF).

Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaalka wadajirka ah ee kooxda hoggaanka cusub, oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka Ms. Amer Manyok Deng oo ka soo jeeda dalka Koonfurta Suudaan iyo Xoghayaha Hon. Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.

Advertisement

Urur Gobaleedka IGAD iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa wada dadaalo lagu xoojinayo Amniga iyo Nabbadda Gobolka, gaar ahaa dalka Sudan, kooxadan ayaa ka shaqeynaysa horumarinta ajendaha Haweenka, Nabadda, iyo Amniga ee Gobolka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here