Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, Booliiska, Nisa, iyo Maamulada Gobalada Hiiraan iyo Shabeladda dhexe ayaa ku guuleystay joojinta shaqaaqo maalmihii la Soo dhaafay ka taagneeyd xadka labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeladda dhexe.
Taliyaha qaybta 27aad ee CXDS G/dhexe Cabdullahi Cumar Maxamed iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga dalka ayaa goob joog u ahaa isku keenidda Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay qayb kamida maamulka Hirshabeelle.
Saraakiisha iyo Maamulada labada gobal ayaa faray bulshada deegaanka in cid alaala iyo Ciddii wada kicin bulsho Si cad looga hortago, Waxa ayna Saraakiishu sheegeen in lala tiigsanyo Maxkamdda awoowa u leh.
Bulshadu waxa ay u baahan tahay Nabad iyo wada noolaashu Ciidamada qalabka sida ayaana ku howlan arrintaas.
Advertisement