Open photo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Soomaaliya ayaa xal u keentay Shilalkii joogtada ahaa iyo dhimashadii badneyd ee mar kasta ay sababi jirtay  mootada labada lugood leh taasoo BL ahaan looga raaco wadada isku xirta Muqdisho iyo Agooye.

Advertisement

Dowlada ayaa amar adag dul dhigtay wadayaasha mootadaasi taaso ugu dambeyn la rajeynayo inay xal u noqoto shilalka badan iyo dhimashada ka dhalan jirey Alle idinkiis.

Agaasimaha Wasaarada gaadiidka Bashiir Macalin ayaa ku amray wadayaasha mootaaleyda inaan lagu raaci karin laba qof ka badan,sidoo kale Agaasimaha wuxuu ku amray inay Leysin sameystaan islamarkaana aaney Koofi la’aan kaxeyn karin mootada.

Sidoo kale mootaaleyda waxaa laga mamnuucay ineysan kaxeyn karin iyadoo aysan u dhameystirneyn Fariinkeeda, nalalkeeda,haadadkeeda,iyo istoobyadeeda.

Amaradaan ayaa aad ugu adag mootaaleyda waana halka sababta u ah shilalka sida in dad badan lagu raaco,aqoon la’aan iyo koofida difaaca madaxa oo aysanba isticmaalin.

“maanta oo taariikhdu tahay 3-November 2024 wixii ka dambeeya lama kaxeyn karo mootada labada lugood leh iyadoo waduhu uusan heysan leysinka darawalnimada,sidoo kale lama kaxeyn karo iyadoo aaney u dhameyn fariinka, nalalkeeda,hoonkeeda,istoobyadeeda ,haadadkeeda iyo dhamaan imkaaniyaadkeeda,si loo ilaaliyo bad-qabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee raaceysa mootada

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here