War goor dhaw ka soo baxay Maamul Goboleedka Jubaland ayaa digniin loogu direy shirkadaha diyaaradaha ineysan tagi karin garoonka diyaaradaha magaalada Raaskambooni halkaasoo ay gacanta ku hayaan Milateriga Somalia.
Digniintaan ka soo baxday Maamulka Jubaland ayaa ku soo aadaya xili isla-maantana maamulkaasi xireen isgaarsiintii ka jirtay raaskan-booni.
Advertisement
Lama oga in shirikadahani ay u hoggaamsami doonaan warkan Jubbaland kasoobaxay. Maanta ayay ahayd markii Raaskambooni laga jaray isgaarsiinta. Magaaladaasi waxaa iskuhaysta Dowlada Dhexe ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Advertisement