Saraakiil katirsan ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa gaaray goobahii ay ka dhaceen dagaal beeleedyo u dhaxeeyay beelo walaala ah oo wada dega degaano ka kala tirsan gobalada Hiiraan iyo Shabeladda dhexe .
Saraakiishan waxa hogaaminayo Taliyaha Qeybta 27’aad Ciidanka Dhulka XDS G/le Dhaxe Cabdulaahi Cumar ” saraakil katirsan ciidanka NISA ‘iyo masuuliyiinta maamulada goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe.
Saraakiisha ayaa ku guuleeystay dadaalada xabad joojinta ayadoo ay meel wanaagsan marayaan dadaalada Lagu sameeyn lahaa dib-uhishiisin dhab ah oo dhexmarta beelaha walaalaha ah si loo soo celiyo nabadii iyo Deris wanaagii udhaxeeyay.

Gudoomiyayaasha Goboladda Hiiraan iyo Shabeladda dhexe ayaa xusay in nabadda ay tahay lama huraan sidaas darteedna looga baahanyahay waxgaradka labada maleeshiyo beeleed inay si deg deg ah nabadda u qaataan joojiyaana coolada.

saraakisha Ciidamadda Qalabka Sida ayaa dhankooda ku amray inay hubka dhigaan labada maleeshiyo beeleed ee colaada ku dhexmartay degaano dhaca xadka goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe.May be an image of 14 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and beardMay be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person, beard, smiling and treeMay be an image of 4 people and people smilingMay be an image of 10 people and tree
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here