Muqdisho, 1 December 2024: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.
Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley arrimaha la xiriira horumarka muuqda ee Soomaaliya ka sameyneyso dhibacyada siyaasadda, amniga, dagaalka Khawaarijta, la wareegista DFS ee goobaha ay ka baxayaan ciidammada ATMIS iyo ballaarinta fidinta adeegyada bulshada.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa si mug leh u dul istaagey tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay doorasho Qof iyo Cod ah ka hirgeliso dalka, iyo meel marinta sharciyada muhiimka u ah gaarista hadafkaasi oo dhowaan Baarlamanka Federaalka uu ansixiyay.
Ambassador Souef ayaa dhankiisa bogaadiyay hawlaha muhiimka ah ee la xiriira dowlad dhiska ee ay Soomaaliya ku guuleysatey, isagoo intaa raaciyay in Midowga Afrika uu mar walba uu taageero buuxda la garab taagan yahay Soomaaliya.
Advertisement