Xildhibaan Osman Daalo oo ku heyb ah askarigii dhawaan uu xarunta Baarlamaanka ku feeray Xildhibaan Firinbi ayaa jawaab kulul ka bixiyay war maanta ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kaasoo difaacay xildhibaan Firinbi.
“Waa nasiibdarro weyn in Masuul oo Madaxweyne soo noqday, haddana musharax ah uu warbaahinta lasoo hor istaago wax uusan hubin, sidaasina ku inkiro, kana been sheego xuquuqda Askariga lagu xadgudbay ee caddeynteeda umadda oo dhan wada aragtay,”ayuu yiri Xildhibaan Daallo.
Qoraal uu Daallo soo dhigay baraha bulshada ayaa sidan u qornaa:-
KAMA AAMUSI KARO
Ma rabin inaan u jawaabo Hon, Shariif Sheekh Axmed, mana rabin inaan ka hordhaco Caddaalada; balse waxaa igu kalifay culeyska ay leedahay dhacdadii fal denbiyeedka ahayd ee ka dhacday xarunta Baarlamaanka oo lagu dhaawacay Askari Soomaaliyeed oo gudanaayey waajibkiisa shaqo.
“Waa nasiibdarro weyn in Masuul oo Madaxweyne soo noqday, haddana musharax ah uu warbaahinta lasoo hor istaago wax uusan hubin, sidaasina ku inkiro, kana been sheego xuquuqda Askariga lagu xadgudbay ee caddeynteeda umadda oo dhan wada aragtay, isagoo u daliishanaya Xildhibaan ay isku dan yihiin maanta”
“Waxaa is-weydiin leh haddii uu Askarigu xadgudub geystay maxaa loo arki waayay, haddiise uu dhab yahay warka xildhibaanka eedeysan ee Shariifku u doodayo; muxuu askariga uga fal celin waayay markii uu dhiigga ka da’ayay?”
Waxa kaliya ee Kiiskan ka muuqda waa Askari Qaran oo xilkas ah, iyo Xildhibaan xadgudub geystay oo xasaanadiisa iloobey
Hon: Shariif lagaama fileyn inaa war adigaba aad sheegtey inaadan hubin inaad bulshada lasoo hor istaato
Sharciga waa loo simanyahay cidna kama sareeyo
Advertisement