Wafdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  Soomaaliya Mudane Axmed Siciid Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Jarmalka isla markaana ay wehlinayaan Safiirka iyo Safiir kuxigeenka JFS ee dalkaas ayaa kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa taliyaha ugu sarreeya booliiska federaalka ee wadanka Jarmalka.
Labada dhinac waxay wadahadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira wadashaqaynta labada dal ee dhinacyadda socdaalka gaar ahaan iskaaashiga ku dhisan khibrad wadaagga iyo dhismaha aqoonta saraakiisha ka shaqaysa Socdaalka.
Dowladda Jarmalka oo xiriir qoto dheer ah la leh dalkeenna ayaa horumar ka gaartay adeegsiga teknoolijiyadda casriga ah taas oo qayb wayn ka qaadatay horumarinta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, waxaana Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka faa’iidaysanaysaa khibradda iyo waayo aragnimada dalkaas u leeyahay dhanka horumarinta adeegga Socdaalka.May be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 8 people, suit and textMay be an image of 3 people and text that says "Vm BUNDESPOLIZEI ጽታ だ"May be an image of 9 people, people studying, television, newsroom and textMay be an image of 7 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here