Sida lagu shaaciyay Warbaahinta Qaranka Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgalada Ciidamada Qalabka Sida ee lagula dagaalamayo Khawaarijta ee ka socda degaannadaasi.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa shacabka iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Degaanka Kulbiyow waxay soo dhoweeyeen hawlgalada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan Jubbaland.
Advertisement
Waxaa dhanka kale ay taageero u muujiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ku eedeeyey Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay sheegeen inuu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyada shacabka.
Advertisement