Booliiska Israa’iil ayaa xirey shacab Yuhuud ah oo dhhigayay mudaaharaad ay ku dalbanaayee in heshiis lala galo Dagaal-yahanada Xamaas si maxaabiista la isu weydaarsado.
Shacabka Israa’iil ee banaan-baxa dhigaayay ayaa waxaa hogaaminayay Qoysaska ay ka soo jeedaan ciidamada Yuhuuda ee gacanta ugu jira dagaalamayaasha Xamaas.
Isu soo baxayaashaan waxay dalbanayaan in heshiis lala galo Xamaas si maxaabiista labada dhinacba isu dhaafsadaan balse Booliiska Israa’iil ayaa kala eryay isu soo baxayaasha iyagoona xabsiga dhigay afar ka mida banaan baxayaasha.
Banaan baxaan oo dhacay shalay ayaa waxaa sawirada ka muuqda Booliska oo shacabka xir xiraya waliba si arxan daran.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM