Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeeyay ee xalay war ka soo saaray wiil yar oo lagu qabtay isagoo xiran dharka dumarka sida dirac,jalbaab iyo indha shareer xiligaas uu dumar iska dhigaayay gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada xamar-jajab.

Wiilkaan oo sida ay Booliisku sheegeen 18 jir ayaa ku jira gacanta ciidamada Booliiska waxaana ku socda baaritaan.

Advertisement

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka taliska booliiska ka soo baxay oo sidiisa u qoran:-

Taliska Ciidanka Booliska ee gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-jajab ayaa soo xiray eedeysane, Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo 18jir ah.
Eedeysane Cabdiraxmaan ayaa loo heystaa in uu ku kacay falal Anshax xumo ah oo lidi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.
Booliska ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsay haddii ay la kulmaan ama ay arkaan falal amaanka liddi ku ah inay la xiriiraan laamaha Amniga.May be an image of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here