Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirar gaar gaar ah oo looga hadlaayey u diyaar-garowga iyo ka jawaabista abaarta la saadaalinayo ee La-nina, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA.
Shirkaan oo laba qeyb ahaa ayaa qeybtiisa 1-aad waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga abaartas, sidii loo kordhin lahaa wacyigelinta bulshada ee ku aaddan sida looga gaashaaman karo iyo qorshaha nimdaam ay dowladda hoggaaminayso ee looga shaqeynayo sidii looga jawaabi lahaa abaarta, sidoo kale shirkan ayaa si qota dheer looga hadlay hoggaaminta iyo iskuduwidda arrimaha ka jawaabidda xaaladaha degdegga ee hay’adda SoDMA, iyadoo si dhow ula shaqayneysa nidaamka Unified Social Registry (USR) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.
Kulankaan waxaa ka soo qeyb-galay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada iyo horumarinta, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, sidoo kale shirka qeybtiisa 2-aad waxa uu Guddoomiyaha SoDMA la qaatay ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Sooomaaliya Md George Conway oo ay wehliyaan Hay’adda Isku xirka arimaha biniaadannimada ee OCHA.
Shirkaan waxaa looga hadlay u diyaar garowga shirka madasha iskuduwidda arimaha biniaadannimada (Country Humanitarian Forum) ee ka dhici doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.