MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Buuq,sawaxan iyo fowdo ka dhan ah gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xarunta Goloha shacabka faderaalka Soomaaliya.

Xildhibaano mucaaradsan ajandaha Gudoonka Baarlamaanka iyo guud ahaan siyaasada Dowladu dalka ku hogaamineyso ayaa maanta buuq,sawaxan iyo fowdo waxay ka sameeyeen shirkii maanta ay lahaayeen xildhibaanada kaasoo ajande weyn looga hadlayay laguna ansixiyay.

Advertisement

Xildhibaanadaan ayaa ka hor yimid hab hogaamintii gudoonka Baarlamaanka iyagoona firinbi ku qasayay hadalada gudoonka iyo habdhowrada shirka hogaaminayay si la isku maqli waayo xili ay ku andacoonayaan inay saluugsan yihiin ajandaha laga doodayay sidoo kalana iyaga laga diiday ajande ay gudoonka hor dhigeen.

Baraha bulshada ayaa aad loo wareejinayay maanta buuqa ka jirey Xarunta Baarlamaanka  iyadoo la arkaayay ciidamada Booliiska oo hor taagan oo celcelinaya xildhibaano u bax baxsanaya inay fowdo sameeyaan.

Xildhibaan ka tiran Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si bareer ah u madaxa feer kala dhacay mid ka mida askartii Booliiska ee ku howlaneyd inay cel celiyaan xildhibaanada fowdada waday.

Xildhibaan firinbi oo ka soo jeeda deegaanada Jubaland ayaa la sheegay inuu ahaa xildhibaanka dhaawaca madaxa ka gaarsiiyay askariga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here