Muqdisho, 27 November 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Akta, iyaga oo ka wada hadlay dar-dargelinta mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyada Turkiga iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan fulinta mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhinaca Amniga, taasi oo qeyb weyn ka qaadatay dib usoo kabashada Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Turkiga ayaa dhankiisa balan qaaday dar-dargelinta mashaariicda dib udhiska la xariira gaar ahaan dhismaha Waddooyinka, xarumaha danta guud iyo qorshaha lagu hirgelinaayo xarun lagu daryeelo caruurta darbi jiifta.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, suit, dais and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, television, suit, newsroom and the Oval OfficeMay be an image of 2 people, suit, dais and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here