No description available.
Badhaadhe 26 November 2024: Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray hawlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Qalabka Sida ee shaley gaarey degaankaasi ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Sidoo kale wuxuu u soo jeediyay inay ama xooga dalka ku soo biiraan ama ay sidoo ula shaqeeyaan xooga dalka oo ay wada-jir Alshabaab ula dagaalaan.
No description available.
No description available.No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here