Wasiirka amniga Israel ayaa bilaabay kulan ay kaga doodayaan xabad joojinta si ku meel gaar ah loo soo afjaro dagaalka lagula jiro ururka Xisbullah ee Lubnaan iyadoo ay sii socdaan rasaasta ay isweydaarsanayaan.
Ciidamada Israel ayaa weeraro kale oo dhanka cirka ah ku qaaday caasimada Lubnaan kadib markii ay halkaasi ku dileen ugu yaraan 31 qof 24 saac gudahood, Xisbullah ayaa sidoo kale dib u billaabay gantaallada ay ku ridayso Israa’iil.
Marinka Gaza, ciidamada Israa’iil ayaa dilay 11 falastiiniyiin ah saddex weerar oo ay ku qaadeen waqooyiga deegaankaas iyadoo roobab xooggan iyo mawjado kor u kacaya ay sii kordhinayaan xaaladda barakacayaasha Falastiiniyiinta ee hoy ka dhigtay cooshadaha.
Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 44,249 falastiiniyiin ah, waxaana lagu dhaawacay 104,746 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 ayaa la qabtay.
Lubnaan, ugu yaraan 3,768 qof ayaa lagu dilay 15,699 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM