MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sanatarada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Muqdisho xili ajandaha shirku ahaa Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare oo maalmihii ugu dambeeyay ka doodistiisa iyo akhrintiisaba ay socotay.
Xubanaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta soo xaadiray ayaa dood kadib ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka kaasoo ay wasaarada waxbarashadu soo gudbisay.
Kooramka wuxuu maanta ku furmay 29 xildhibaan oo ka tirsan Golaha aqalka sare kuwaasoo dhamaantood si aqlabiyad leh ku meel mariyay cod gacan taag ah hidnisaha tacliinta sare.
Advertisement