MANILA (DAYNIILE.COM)-Warbaahinta dunida ayaa aad u hadal heysa Madaxda ugu sareysa Dalka Philippine oo dil isugu habaysa waxaana u dambeeyay madaxweyne xigeenka dalkaasi oo dil ugu hanjabay Madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Philippine  haweeneyda lagu magacaabao Philippine Sara Duterte ayaa u shaacisay in hadii iyada la dilo sidoo kale la dili doono Madaxweynaha Ferdinand Marcos Jr .

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan ammaanka Madaxweynaha sare loo qaaday ka dib markii ku xigeenkiisa meel fagaare ah kaga hanjabtay dilkiisa.

Madaxweynaha Dalka Philipine iyo ku xigeenkiisa ayaa hore isugu fiicnaa balse bilahaan danbe waxaa soo kala dhex-galay khilaa waxayna ka soo kala jeedaan labada qoys ee ugu awooda badan siyaasada iyo Dowladanimada dalkaasi.

“waxaa ina hogaaminaya qof aan aqoon si loo noqdo madaxweyne oo beenaale ah,” ayay ku tiri hadal kooban oo ay jeedisay haweeneyda madaxweyne xigeenka ah

Xafiiska isgaadhsiinta ee madaxtooyada ayaa sheegay in hadalada Madaxweyne xigeenka loo qaadanayo hanjabaad halis ah oo ka dhan ah Madaxweynaha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

epa11665913 Philippines Vice-President Sara Duterte gestures during a press conference at her office in Mandaluyong City, Metro Manila, Philippines, 18 October 2024. Duterte criticized Philippines President Ferdinand Marcos Jr. and accused him of being unfit for the job of the president. EPA-EFE/ROLEX DELA PENA

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here