=XIGASHO BBC SOMALI=Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in is rasaasayn laga maqlay gudaha magaalada taas oo warbaahinta maxaliga ee Kismaayo qaarkood sheegeen inay dhexmartay ciidamado ka tirsan kuwa booliska Jubaland iyo ilaalada Senator Ilyaas Gaboose oo ka mid ah mucaaradka Jubaland.

Advertisement

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Senator Ilyaas Gaboose, hal qof oo ka mid ahaa ilaaladiisa ayaa ku dhintay israsaasaynta.

“Waa wax la xiriira siyaasad aniga dartay ayaa loo dilay wiilka. Inaan anigu la socdaa la moodayey markii la xabadaynayey” ayuu u sgeeay BBC da.

Israsaasaynta ayaa ka dhacday meel u dhow hotelka Agan oo ku yalla magaalada Kismaayo

Goob jooge ku sugnaa hotelka oo afafkiisa hore ay is rasaasayntu ka dhacay oo magaciisa codsaday inaan la sheegin sababo amaan darteed ayaa BBC-da u sheegay in meesha wax ka dhaceen ay ahayd halka ay taallo mid ka mid ah kontoroolada laga ilaaliyao amaanka hotelka .

“Yar ka mida dawarada mid ka mida murashaxiinta dowlada Jubaland, ayaa soo galay isagoo baabuurkiisu xowli ku socdo mana ka gudbi karay birta, hal mar ayaa laga war helay in baabuurka la cayrsanay oo ciidan boolis ah ay cayrsanayeen.”ayuu BBC da u sheegay goobjooguhu.

Wuxuu intaa ku daray in marki xabaduhu bilowdeen la kala cararay, markii rasaastu istaagtayna uu arkayey qof dhaawac ah.

Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyey sawirada qof dhaawac ah oo xiran shaati diilimo leh iyo surweel kaakiya kaas oo madaxa cimaad ugu duuban tahay, shaatigiisuna dhiig ka muuqdo.

Maxay Jubaland ka tiri dhacdada?Jubaland

Maamulka Jubaland ayaa war ka soo saaray sida maanta wax ugu dhaceen Kismaayo iyo is rasaasaynta dhexmartay ciidamada booliska iyo mid ka ilaalada murashaxiinta.

Dhame Shurki Faarax Ducaale, oo ka tirsan ciidamada Booliska Jubaland ayaa sheegay in ciidamada Boolisku bar kantarool ku joojiyeen gaari ay ku shegeen inuu horey u wadan jiray taliyihii hore ee Booliska Jubaland.

“Gaari ay leeyihiin ciidanka booliska oo horey u wadan jiray taliyihii hore ee ciidanka booliska Jubaland, baabuurkaas oo waayadii danbe si khaldan ama wax sharciga lid ku ah kaga shaqaynayey magaalada dhexdeeda…baabuurkii iyo ilaaladii kale ee la socday dhammaantooda waxa gacanta ku haya ciidanka booliska” ayuu yiri Dhame Shurki oo saxaafada kula hadlay Kismaayo.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in wax dhibaato aysan ka jiran magaalada Kismaayo haatan.

Dowladda Federalka oo ka hadashay dhacdada KismaayoSoomaaliya

Dowladda Soomaaliya dhacdada Kismaayo ku tilmaantay “Fal argagixso oo uu ka dambeeyey madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Madoobe” sida uu sheegay wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Wasiir Fartaag sidoo kale falkaasi ku tilmaamay mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye.

Dowladda federalka ayaa horrey uga hortimid qorshaha doorashada ee magaalada Kismaayo ka socda.

Dhawaan ayey ahayd markii Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu sheegay in “inay aqoonsan doonin waxaa ka soo baxa Kismaayo oo aysan la aqbali doonin dowladda Soomaaliya”

Khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa sii huray markii maamalku ku dhawaaqeen inay qabsanayaan doorashadooda, halka dowladda Soomaaliya ay ku dooday in doorashooyinka ay tahay in ay maamusho wasaaradda arimaha gudaha, ayna dooneyso in ay noqdaan qof iyo cod.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen saaxiibada caalmiga ee Soomaaliya ayaa dhinacyada ugu baaqay inay hoos u dhigaan khilaafka.

Guddiga doorashad ee Jubaland ayaa dhammaystiray xubnaha barlamaanka saddexaad ee Maamulka iyadoo xildhaanaduna ay doorten gudoonka golaha wakiilada.

Sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada ee Jubbaland, Isniinta ayey dhacaysaa doorashada madaxweynaha ee Maamulkaasi iyadoo siyaasiyiin mucaarad ah oo ku sugan Kismaayo ay ka horyimaadeen.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here