sida goor dhaw lagu baahiyay raadiyaha askarta Dowlada Ciidamadda Xasilinta Magaalada Beledweyne ayaa Caawa Gacanta ku soo dhigay Kooxo burcad ah oo ku hubeeysnaa Bastoolado iyo qoryaha AK-47, kuwaas oo kuhowlanaa inay dadka shacabka dhacaan.
Saraakiisha ciidmadda xasilinta magaalada Beladweyn ayaan sheegay inay sidoo kale kuraad joogaan kuwa kale oo iyana shacabka dhib ku hayo.
Maalmihii lasoo dhaafay magalada madaxda gobalka Hiiraan ee Baladweyn waxaa kasocda howlgalo lagu baadi goobayo kooxo falal amniga lid ku ahkawada xafadaha magalada Beladweyn.
Advertisement