MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga hadashay weerar maanta Kismaayo loogu geystay musharaxa madaxweynaha Maamulka Jubaland Sanatar Ilyaas Gaboose kaasoo khasaare geystay sida wararka qaar sheegayaan inkastoo sanatarka aysan waxba soo gaarin.
War ka soo baxay Wasaarada Amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan loogu cambaareeyay weerarkii saaka ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismaayo.
Wasaarada Amniga waxay si toos ah weerarkaasi ugu eedeysay inuu ka dambeeyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe, iyadoona weerarkaani sababay khasaare nafeed.
Wasiirka Amniga Qaranka ee Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  oo ka hadlay ayaa falkaasi ku tilmaamay mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah.
“waxaan u tacsiyeynayaa dadkii ku nafwaayay falkii argagaxisada ahaa ee saaka uu ku qaaday Hotel Agan ee magaaklada Kismaayo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) dadkaasi oo isugu jirey shacab iyo qaar ka mida ilaalada siyaasi sanatar Ilyaas Gabose, waxaan leeyahay inta ku dhimatay Allaha u naxariisto”
Wasiirka oo cambaareeyay weerarkaasi wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Axmed Madoobe saaka ku dhardhaareen hotel Agan weerar ka dhan ah musharax Ilyaas Gabose.
“weerarkaani wuxuu muujinayaa sida Axmed madoobe uga go;an tahay inuu dagaal sokeeye ka dhex rido dadka ehelka ah ee Kismaayo sida nabada ah ku wada degan” ayuu mar kale yiri Wasiir artaag
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here