MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mudanayaasha Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ahaa kaasoo qeyb ka ah mudadii halka bil ahayd ee Madaxweyne Xasan ka codsaday inay xildhibaanadu ku daraan waqtigooda madaama kaladhigii hore dhamaaday.
Xildhibaanada ayaa ka dooday xeerka doorashooyinka Qaranka oo ahaa ajndaha maanta loo balansanaa iyadoo kooramkuna uu dhamaa,waxaana shir gudoominayay Gudoomiaha Baalamaanka Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa ugu danbeyn ansixiyay xeerka doorashooyinka Qaranka markii xildhibaanada labada aqal ay codeeyen waxaana natiijada ku dhawaaqay Gudoomiye Aadan Madoobe.
Xeerkaan la ansixiyay waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa ka aamusay.
XAFXIISKA WARRKA
DAYNIILE.COM