Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa booqasho aan horay loo sii shaacin oo kadis ah ku tagay, qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur galay xaalladda amni iyo horumar ee Caasimadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dukaameystay mid ka mid ah Suuqyada casriga ah ee ku yaal Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, halkaasi oo uu waqti kula qaatay, qaar ka mid ah muwaadiniinta ku sugnaa goobaha uu booqday.
Advertisement