NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Haashim Dhaqane Muxumed oo ah Soomaali loo heystay inuu ka danbeeyo dilalka ilaa 4 dumar oo sedex ka mida ay isku qoys ahaayeen.
Haashim ayaa la sheegay inuu qirtay dilka gabadh afaraad oo ay saaxiibo ahaayeen taasoo bishii hore lafaha meydkeeda laga helay qabuuraha Lang’ata ee magaalada Nairobi,sidoo kale wuxuu qirtay inuu dilay sedexda isku qoyska ahaa sida hooyada iyo labadeeda gabdhood.
Sidoo kale wararka cusub ee ka soo baxay dilaaga ayaa ah inuu maanta booliiska geeyay meelaha kala duwan ee uu ku tuuray qaybaha kale ee jirka meydka Deeqa Cabdinuur Qorane.
Ninkaani dilaaga ah oo Soomaali ah ayaa sidoo kale Booliiska si fiican ugu sharaxay sababta uu u dilay deeqa oo ahayd gabadha u dambeysa ee uu dilay taasoo meydka qeybo jirkeeda laga helay qabuuraha langaata.
Haashim wuxuu u sheegay Booliiska in sababta uu u dilay Deeqa ay tahay inay ka war haysay dilkii uu u gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd.
Dhanka kale Haashim waxaa lagu wadaa in markale maxkamadda la soo taago horaanta bisha dambe gaar ahaan 2-da December 2024.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM