Safiirka Soomaaliya ee dalka Switzerland islamarkaana ah wakiilka rasmiga ah Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobe ee Geneva Marwo Khadra Ducaale ayaa ka qeyb gashay madasha golaha xuquuqda aadanaha oo lagu qabtay dalka Morocco.
Shirkan oo socday labo cisho ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta hey’adaha Qaramada Midoobe ee ka shaqeeya xuquuqda aadanaha, iyadoo sidoo kale lagu soo qaaday xaqiijinta isku xirnaanta howlaha Qaramada Midoobe ee xuquuqda aadanaha.
Advertisement