Ilyas Cali Xassan oo ah Safiirka Soomaaliya ee Dalka Tanzania  ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Caasimada Dalkaasi.
Safiirka ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay Jaaliyada Soomaalida ee dalka Tanzania,Masuuliyiin ka socda wasaarada arimaha dibada Tanzania iyo safiiro kala duwan oo dalkaasi ka howlgala.
Diblomaasigaan Soomaaliya u fadhin doona dalka Tanzania ayaa si weyn uga mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay caasimada dalka Tanzania.
Calaaqaadka labada dal ee Somalia iyo Tanzania ayaa aad u hagaagsan xili ay ka wada tirsan yihiin Ururka dhaqaalah bariga Afrika.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement