Siyaasiga C/raxmaan C/shukuur ayaa ka sheekeeyay sheeko shalay Muqdisho ku dhexmartay diblomaasiyiin shisheeye iyo Madaxweynmaha Soomaaliya kadib markii sida uu sheegay Madaxweyne Xasan uu uga dacwooday mucaaradka Dowlada Somalia,sidoo kalana uu ka dalbaday inay ku taageeraan qorsahihiisa siyaasadeed gaar ahaan doorashada qof iyo cod.
Haddaba qoraalka siyaasiga ayaa sidan u qornaa:-
Advertisement
Madaxweynaha madal aan shalay wada joognay ayuu beesha caalamka kaga codsaday in ay ku taageeraan ajandihiisa doorashada, lagana qabto maamul goboleedyada ka soo horjeeda iyo siyaasiyiinta oo uu ku tilmaamay qaswadayaal (Spoilers).
Jawaabtii ajnabiga waxay noqotay in uu dadkiisa la heshiiyo, lana qabto doorasho heshiiskeeda loo dhanyahay, suuragal noqon karta, dammaanad qaadaysa amniga iyo xasilloonida qaranka, si tartiib tartiib ahna loogu guuro hiigsiga doorasho qof iyo cod ah.
Mid ka mid ajnabigii aan meesha ku arkay ayaa igu yiri warbixinnada (cables) aan dowladaheenna u dirno magacyada iyo taariikhaha uunbaa iska beddelay ee dhacdooyinkii waa sidoodii ee maxaa idinka si ah Soomaaliyey?
Waxaan qirsanahay in ay wejigabax iyo foolxumo nagu wada tahay, laakiin uu Madaxweynaha noo soo jiiday.
Advertisement