Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, waxaana ogolaatay 177 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin xildhibaan diiday.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Xoosh ayaa labada aqal ee BJFS uga mahadceliyey ansixinta sharciga Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka.
Advertisement