No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Masuul ka tirsan maamulka G/Banaadir ayaa ka hadlay isu imaad xalay shacabka Muqdisho ugu caweeyeen degmada Hodan gaar ahaan isgoyska Taleex taaso nabada lagu muujinayay.

Advertisement

Masuulkaa oo ah Gudoomiyaha Degmada Hodan Cali Fahle ayaa ku faanay xalay degmadiisu marti gelisay 10-kun dhalinyaro reer Muqdisho ah oo xalay si nabad ah ugu baashaalay Degmadiisa iyadoo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mida saraakiisha amniga ee Booliiska Soomaaliya.

Gudoomiye Cali Fahle wuxuu carabka ku adkeeyay  inay Xalay  xaqiijiyeen in Muqdisho u diyaarsan tahay doorashada qof iyo cod madaama ay amnigooda Alle SWT uu u suurtageliyay inay xalay sugeen.

“Waxaan xalay ogaanay in Muqdisho u diyaarsan tahay in lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah, waxaan xaqiijinay amniga in ka badan toban kun oo qof oo degmada Hodan nagula caweeyey.”ayuu yiri Gudoomiye Cali Fahle.

Gudoomiyaha mar uu ka hadlayay doorashooyinka dhawan la qorsheynayo inay dalka ka dhacaan ayuu ku nuux nuuxsaday inay aaad ugu rajo weyn yihiin in awooda shacabka lagu soo celiyo oo ay iyagu doortaan wixii hada ka danbeeya cida hogaamineysa.

“kuwa anaga na badeli doona warqad laguma soo magacaaabi doono sidii inagu aan ku nimid ee markaan shacabkaa dooran doona madaxdooda”ayuu mar kale yiri Gudoomiye Cali Fahle.

Warkaan masuuliyiinta ka soo baxay ayaa imaanaya kadib markii xalay isgoyska Taleex isu imaad dadweyne kaasoo ay isugu imaadeen kumanaan dhalinyaro u badnaa xili kooxaha muusikada iyo fanaaniintuna ahaayeen kuwa dadka madadaalinayay.

Si kastaba warka Gudoomiyaha Degmada Hodan Cali Fahle ayaa ku soo aadaya xili Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso inay dalka ka qabanayaan doorasho dadweyne islamarkaana shacabku suulkooda ama saxiixooda ku dooran doonaan madaxda dalka hogaamin doonta min heer degmo ilaa madaxweyne.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here