MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqadir ayaa ka halay maalinta macalinka oo ku beegan berito oo ah 21-ka November.

Wasiir Faarax C/qaadir wuxuu ugu baaqay dhammaan Bulshada qeybaheeda kala duwan munaasabadda maalinka macallinka awgeed in ay xusuustaan macallimiintoodi abaalka badan ku lahaa, ee ka soo saaray jahliga.

Advertisement

Sanad kasta ayaa dunida laga xusaa maalinta macalinka 21-ka November iyadoo bahda waxbarashada ay aalaaba aad u xusaan maalintaan qiimaha badan ugu fadhida tacliinta dunida.

Qaar ka mida macalimiinta Soomaaliyeed ee ku sugan caasimada iyo gobolada dalka ayaa durba ka hadlay qiimaha maalintaan iyagoo muujiyay inay ku faraxsan yihiin inay waqtigooda geliyaa sidii ubadka Soomaaliyeed wax u baran lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here