Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somaliland C/raxmaan Cirro.
Hadaba qoraalka Siyaasiga Xasan Cali Kheyre oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ugu doorteen in uu hoggaamiyo shanta sano ee soo socota, taas oo muujinaysa kalsoonida iyo rajada ay shacabka Somaliland ku qabaan biseylkiisa, hoggaamintiisa, iyo aragtidiisa siyaasadeed.

Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa xisbiyada Waddani, Kaah, iyo Kulmiye oo ku guuleystay tartanka Xisbiyada Somaliland. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa Guddiga Doorashooyinka oo si hufan u maareeyay doorashadan, iyo shacabka Somaliland oo mar kale soo bandhigay qaangaarnimadooda dimoqraadiyadeed, iyagoo si xasilloon, oo xor iyo xalaal ah u doortay hoggaankooda siyaasadeed.
Waxaan rajaynayaa in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu Somaliland ku hoggaamiyo jidka nabadda, horumarka, iyo dimoqraadiyadda, kaalin hoggaamineedna ka qaato adkeynta walaalnimada, midnimada, iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Mar kale hambalyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo guud ahaan shacabka Somaliland. Guuleysta.
May be a graphic of 1 person and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here