Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa ansixiyay Hinidise sharciyeedayada hay’adda sharciyaynta adeegyada baaritaannada Beeraha iyo sharciga Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, iyadoo si wadar ogol ah ay ku meelmariyeen 29 Sanatar oo kulanka maanta soo xaadiray.
Ansixinta hindisayaashaan ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale xildhibaanada aqalka sare ay maanta ay ka doodeen sedex ajande kuwaasoo kala ahaa :-
Advertisement
1- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed.
2- Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
3- Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya
Advertisement