Wararka laga helaayo Dalka Lubnaan ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israa’iil duqeymo ay fuliyeen inuu ku geeriyooday axadii shalay afhayeenkii guud ee Xizbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi.
Bayaan ka soo baxay Ururka Xisbullaah ayaa lagu cadeeyay in sarkaalkaasi dhintay kadib markii Israa’iil ku weerartay xafiiskiisa oo ku yaala Magaalada Beirut ee caasimada dalka Lubnaan.
Advertisement
Ahayeenkaan waxaa la sheegay inuu dagaalada ka muuqday tan iyo markii ay isku dhaceen Xisbullah iyo Israa’iil.
Milatariga Israa’ii oo iyaguna ka hadlay dhimashada Afhayeenka Ururka Xisbullah ayaa sheegay inuu ahaa sarkaal ad-adag oo aadna ga qeyb qaadan jirey ama dhiiri gelin jirey weerarada iyaga ka dhanka ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement