RUU NIR-GOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imanaayo xuduuda labada gobol ee Gal-gaduud iyo  shabeelaha dhexe ayaa shegaayo in halkaasi lagu dilay laba ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku sugnaa bar koontorool oo ay lacago ku qaadayeen.

Ciidan ka tirsan kuwa degaanka ayaa xalay saqdii dhexe  waxaa la soo sheegayaa inay inay si xeeladeysan u weerareen kooxda Alshabaab ee ku sugnaa deegaanka Hilowle-gaab oo hoos taga degmada Ruunirgood halkaasoo ay ku dileen labada alshabaabka ahaa.

Advertisement

Wararka ayaa shegaaya in laba qoray laga soo furtay kooxda Alshabaab marka la dilay kadib inkastoo dhanka alshabaab aysan ka jawaabin jiritaanka wararkaani.

Macawisleyda Gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwa beesha wacaysle ayaa weeraro qorsheysan waxay aalaaba ku qaadan fariisimaha kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here