Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn u dhaliilay habka hogaamineed ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo madaxda dalka horay uga dignay halista iyo hubanti la’aanta siyaasadeed ee ku geedaaman jidka qardajeexa ah ee uu dalka ku wado Madaxweyne Xasan Sheekh, oo laalay dastuurkii qaranka, wiiqayna midnimadii dalka iyo wadajirkii ummadda.
Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynaha oo dalka ku sii wada dariiqii khatarta badnaa ee aan uga dignay, uu maanta si sharcidarro ah u meelmariyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka, isagoo isticmaalaya Guddoonka Baarlamaanka.
Tallaabadan waxa ay sii kala dhantaalaysaa midnimadii ummadda, waxayna dalka u horseedaysaa khilaaf hor leh iyo xasillooni la’aan siyaasadeed.
Soomaaliya horay ugama shaqeyn, mana ka shaqeyn doono guddi iyo shuruuc doorasho oo aan heshiis lagu ahayn. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay natiijada iyo cawaaqibka khilaafka iyo damac gurracan oo ku dhisan dano gaar ah.
Haddaba, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoonka Baarlamaanka ugu baaqayaa in aaney iska indhatirin xaqiiqada hortaalla dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeedna aaney waqti uga lumin guddi iyo shuruuc doorasho oo aan marnaba laga aqbali doonin, degdegna loo furo madal qaran oo looga heshiiyo doorashooyinka dalka, taas oo ay qeyb ka yihiin Puntland, Jubbaland, iyo saamileyda kale ee siyaasadda, si dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga samatabixiyo jahawareerka iyo hubanti la’aanta siyaasadeed.
Advertisement