Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay salaadiinta beelaha Jubaland, kuwaas ugu weyn ku leh soo xulista xildhibaannada ku matali doona Baarlamaanka Dowladda Jubaland.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo hannaanka doorasho cadaalad iyo hufnaan ku dhisan.

Guddoomiyaha Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland, Dr. Mursal Siyaad Maxamed ayaa warbaahinta u faahfaahiyey jadwalka doorashooyinka iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin inay ku qabsoomaan si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyada lagu hagi doono geeddi-socodka dimuqraadiyadda Jubaland.

Dr. Mursal ayaa intaas ku daray in guddigu ilaa hadda kulamo miro-dhal ah la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Jubaland si loo xaqiijiyo in beel walba ay si waafaqsan awood qaybsiga u soo xulato xildhibaannada matalaya.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada si looga dhabeeyo hannaanka doorasho ee u adeegi doona danta dadka iyo dowladnimada Jubaland.

Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ayaa ku hawlan sidii loo hirgelin lahaa jadwal doorasho oo guul leh.
……………………………DHAMMAAD……………………………….May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 1 person, newsroom and dais

May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here