MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha dibada Dowlada Faderaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalo kulul oo hanjabaad u eg hawada u mariyay qaar ka mida siyaasiyiinta Dowlada ka soo horjeeda ee badiyaaba warbaahinta iyo baraha bulshada ku faafiya warar lidi ku ah Dowlada.
Wasiir fiqi wuxuu si gaar ah u carabaabay siyaasiyiin uu ka mid yahay X/raxmaan C/shukuur Warsame isagoo ku eedeeyay inay dalal shisheeye lacag uga soo qaateen magac dilka dowlada Somalia.
“Waxaan ognahay masuuliyiin magac dilaya dalkaan Dowlado shisheeyana lacag uga soo qaatay, haddii ay ka tanasuli waayaan tilaabo ayaa laga qaadi doonaa”ayuu yiri Wasiir Fiqi oo la hadlayay TV-ga Qaranka.
Wasiir fiqi wuxuu ku celceliyay inay xaqiiqo u hayaan in biil usoo dhaco siyaasiyiin Dowlada ka soo horjeeda kuwaasoo si gaar ah lacag loogu siiyo inay hor istaagaan doorashooyinka qof iyo cod-ka ah ee Dowladu qorsheyneyso.
“waxaa ayaan daro ah in xildhibaan Soomaaliyeed uu la soo istaago maalin dhaweyd wasiiro iyo madaxdii Dalka inuu ceebeeyo oo uu yiraahdo dhul ba la kala gadanayaa oo gor-gortan baa ka socda madaxtooyada, wasiiradii waxay rabaan bay gadanayaan, in nin xildhibaan ahi la soo istaago waa magac xumeyn dalka inuu sidaas lasoo istaago.