LUUQ (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Abdule International Airport ee Muqdisho waxay ku celisay diyaarad u socotay Gobolka Geddo gaar ahaan Magaalada Luuq Sida lagu shaaciyay mid ka mida baraha bulshada ee taageera maamulka Jubaland.
Diyaarada ayaa dad rakaaba oo Muqdisio soo raba waxay ka soo qaadi lahayd Magaalada Luuq ee Gobolka Geddo.
Sida ay sheegeen talaabadaan ayay Dowlada Somalia ku siyaasadeyneysaa madaama uu khilaaf kala dhaxeeyo Maamulka Jubaland.
Ma jirto warar madax banaan oo lagu cadeeyay warkaani sidoo kale ma jirto wax cabasho ah oo ka soo baxay shirkada diyaaradaasi leh hadii uu warkaasi yahay mid dhab ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement