Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Masar, iyadoona Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga, Madaxda Haweenka, Dhalinyarada iyo mas’uuliyiin kale.
Duqa Muqdisho ayaa inta uu ku maqnaa dalka Masar waxa uu ka qeyb galay Shirkii 12-aad ee Madasha Magaalooyinka Aduunka, asigoona kulamo la qaatay dhigiisa Magaalada Qaahira Dr. Ibrahim Saabir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Masar, kaasi oo lagaga hadlay qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo Caasimadda Muqdisho.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—