BADHAADHE (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Xoogga Dalka Somalia iyo kuwa Maamulka Jubland ayaa maanta ciidamada Atmis waxay kala wareegeen saldhigay ku lahaayeen deegaan xeebeedka Buurgaabo ee hoos taga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose.
Gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose Muxumed Fanax ayaa goob joog ka ahaa munaasabada uu qaranka Somalia kula wareegayay saldhig ay Atmis hore u joogeen taasoo qeyb ka ah heshiiska ay Dowlada Somalia kula wareegeyso guud ahaan amniga dalka.
Taliyaha ciidamadii Atmis gaar ahaan kuwa Kenya ayaa si rasmi ah saldhigaasi ugu wareejiyay saraakiisha ciidamada Xooga dalka xili iyaguna qalabkooda ka rarteen kana dhaqaajiyeen.
Deegaanada Maamulka Jubaland waa saldhigii 5-aad oo lagala wareego ciidamada Midowga afrika ee magaca Atmis ku jooga sida kuwa Kenya oo kale tan iyo heshiiskii lagu gaaray in howlgalka Atmis la soo afjaro sanadkaan dhamaadkiisa islamarkaana si tartiib tartiib ah amniga loogu wareejiyo ciidamada Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement