=XIGASHO BBC SOMALI=
Waxaa muddooyinkan jira dad dhalinyaro u badan oo joojinaya isticmaalka sokorta. Dhowr sababood ayaa tan loo aaneyn karaa, sida isbeddel habka nolosha ah iyo qaadashada cunno ay ku yar tahay kaarboohaydaretiska.
Waxaase laga yaabaa in sababta ugu weyn ay tahay khatarta ay sokorta badan u leedahay caafimaadkeenna.
Inaad yareyso qaadashada sokorta waxay leedahay faa’iidooyin aan la dafiri karin, waxaana ka mid ah kaloriga aad qaadaneyso oo yaraada, taasoo kaa caaiwn karta inaad miisaan iska dhinto iyo sidoo kale inay u fiican tahay caafimaadka ilkahaaga.
Maaddada la yiraahdo carbohydrates ayaa siyaabo kala duwan ku timaadda – sida sokor ahaan, oo si dabiici ah ugu jirta cunnooyinka sida maaddada fructose ee laga helo furutada iyo lactose oo caanaha laga helo.
Dr. Cabdiraxmaan Dhiblaawe oo ku takhasusay cudurrada guud ayaa BBC-da u sheegay in sokorta oo qaadashadeeda laga badiyo xadka loogu talo-galay ay ka dhalan karto miisaanka qofka oo kordha.
“Adduunyadana waxaa la ogaaday in miisaanka oo bata uu siyaadiyo cudurro badan, sida sokorta, dhiig-karka, xubnaha kala goysyada oo xanuuna sababtoo ah culeyska ayaa qofka ku bata, iyo cudurrada kale sida wadnaha,” ayuu yiri.
Jirkeennu ma u baahan yahay sokor?
“Erayga muhiimka ah waa inta uu jirku u baahan yahay. Lama oran karo jirka uma baahna, sokorta waxaa isticmaala maskaxdeenna. Maskaxdeenna ma taqaanno cunto kale. Saddexda qaab ee cuntada waa borotiin, dufan iyo sokor. Maskaxdeenna ma isticmaali karto dufanta iyo borotiinka ee keliya waxay isticmaali kartaa in qofka jirkiisu ay sokor ku jirto.
“Haddii ay jirka sokor ka weydo, waxay maskaxdeennu sokor ka dhigataa borotiinka iyo dufanta, marka jirka sokorta waa u lagama maarmaan, laakiin mar walba xaddiga la oggol yahay ayaa ah mid xaddidan,” ayuu yiri.
Isbeddel ku dhaca dheelli-tirka kiimikada ee maskaxda ayaa laga yaabaa inay sabab u yihiin saameynta taban ee ku timaadda qofka iska daaya sokorta.
Sokorta caadiga ah ayuu dhaqtarku sheegay inay habboon tahay in la iska daayo, waana tan lagu darsado shaaha iyo waxyaabaha kale, wuxuuse ku taliyay inaan sidoo kale la joojin cunnooyinka sida dabiiciga ah looga helo, sida caanaha, galleyda, furutada iyo bariiska.
“Waxay dadku moog yihiin in cunnooyinkeenna inta badan ay sokor ka sameysan yihiin, haddii aad keligood cunto ayaga ayaaba sokor badan ay ku jirtaa,” ayuu yiri.
Nooca uu jirkeennu u baahan yahay ayaa lagu magacaabaa glucose, si uu shaqadiisa u qabsado.
Glucose ayay dhaqaatiirtu sheegeen inuu jirku ka helo tamar aad u badan.
Balse looma baahna inaad cunnadaada ku darsato glucose, sababtoo ah jirka ayaa si dabiici ah u sameeya isagoo burburinaya cunnooyinka sida kuwa leh dufanka, borotiinka iyo carbohydrates.
Faa’iidooyinka ay sokortu u leedahay jirka
Marka laga soo tago in sokortu ay maskaxdeenna u fiican tahay, waxaa jira faa’iidooyin kale oo ay jirka u leedahay.
“Tamar ayaan ka helnaa, aan ku dhaqdhaqaaqno oo aan ku soconno maalintii, farxadda inuu qofku faraxsan yahay, maqaarkaaga oo iftiin noqda iyo inay maskxaadu soo jeeddo,” ayuu yiri Dr. Dhiblaawe.
Wuxuu sheegay dhaqtarku in dhibaatada ay sokortu leedahay aysan ahayn sida loo buunbuuninayo.
Maskaxda ayaa la sheegaa inay u baahan tahya maalintii in ka badan 100g oo sokor ah si ay shaqadeeda u wadato.
Sokorta ayaa sidoo kale sare u qaadda dareenka farxadeed ee qofka sida uu dhaqtarku sheegay maaddaama tamar uu jirku ka helayo.
Waxay dhaqaatiirtu sheegaan, in marka uu qofku diiqad dareemayo ay sokortu beddesho dareenkaas, ayna qofka siiso farxad.
Sokorta ayaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo jirka, iyadoo maqaarka dhintay ka qaadda jirka.