HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maamulka  Somaliland Muuse xasan Yuusuf  ayaa ka digay in la faafiyo natiijo aan ahayn ta Komishanku soo saari doono dhawaan.

Masuulkaan wuxuu si gaar ah ugu digay madaxda xisbiyada ee ku tartameysa kursiga madaxweynaha maamulka Somaliland kuwaasoo sida uu sheegay saacadihii ugu dambeeyay markii doorshadu soo dhamaatay bilaabay inay baraha bulshada ku faafiyaan natiijo been abuur ah oo mid kastaahi guul ku sheeganayo.

Advertisement

Muuse xasan Yuusuf  wuxuu si cad saxaafada u mariyay digniin culus isagoona carabka ku adkeeyay inay sharciga la tiigsan doonaan hadii aysan joojin been abuurka madaama shaqada natiijada doorashada ay kaliya leeyihiin gudiga komishanka oo uu isagu madaxda ka yahay.

Dhanka kale wuxuu sharaxaad ka bixiyay qaabka ay natiijada u shaacin doonaan , isagoona mid mid u sheegay sida ay arimuhu u kala horeeyaan min kaanbeyn ilaa ku dhawaaqista doorashada.

“sanduuqyada  codadka heer degmo ,heer gobol , ugu danbeyn gudigu komishanka isaga ayaa natiijada rasmiga  soo gudbin doona “ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person and text

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here