ZHUHAI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Zhuhai ee koofurta Shiinaha ayaa sheegaya in nin 62 jir ah uu laayay ugu yaraan 35 ruux oo shacan ahaa kuwaasoo hor dhoobnaa goob lagu dheelo ciyaaraha.
Sidoo kale 43 ruux ayuu dhaawacay kadib markii uu dadkaan dhamaantood dar darsiiyay gaari uu watay ninka dilaaga ah.
Sababta ninkaani ku xambaartay inuu dhibaatadaasi gaysto oo dad aan waxba ka galabsan uu si kas ah gaariga u dulmariyo ayaa lagu sheegay kadib markii uu ka xumaaday qeybta ka soo gaartay hanti uu isagu lahaa oo loo kala qeybiyay xaaskiisii markii uu furey kadib.
Booliiska ayaa iyagana laga soo xigtay inay qabteen ninkaani darwalka ahaa oo magaciisa ay ku soo koobeen Van kadib markii uu isku dayay inuu baxsado xili isaga laftiisa uu dhaawacyo ka soo gaaray qeybo ka mida jirkiisa intii uu gaariga xowliga u wadaayay islamarkaana uu marba qof ku dhufanaayay.
Ninkaan waxaa sidoo kale la sheegay inuu isbitaal yaal , walibana uu koomo ku jiro markii dhaawacyo ay ka soo gaareen jirkiisa qeybta sare sida qoorta.
Dhacdadaani oo u muuqata mid aan wali hore uga dhicin Shinaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkaani markii uu maqlay in lacagtiisii kala bar la siiyay xaaskiisii madaama uu furey ayuu markiiba gaari xowli usoo kaxeeyay kadibna wuxuu soo galay goob ay dad badan ku jimicsanayeen halkaasoo uu gaariga ku dilay dadkaasi tiradooda lagu sheegay 35-ka ruux halka 43 kalana uu ku dhaawacay.
Dhimashada ayaa ah tii ugu badneyd ee uu shiinuhu arko tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasoo weeraro argagixiso oo xiriir ah ay ruxeen gobolka Xinjiang ee galbeedka fog.
Hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka hadlay dhacdadaani wuxuuna weerarkaani ku tilmaamay mid xun isagoona ku baaqay in in gacan ku dhiiglaha si xun loo ciqaabo waliba si waafaqsab sharciga dalkaasi sida lagu baahiyay telefishinka dowladda ee CCTV.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM