HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Shacabka Waqooyiga Somalila ee la baxay Somaliland ayaa saaka u dareeray cod bixinta xilka u sareeya maamulka Somaliland ee Somaliland iyadoo loolanka ugu adag uu u dhexeeyo Madaxweynaha hada jooga ee Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro.
Shacabka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa ka codeynaya saaka damaan degmooyinka Maamulka Somailand sida Hargeysa, Burco,Ber-bara ,Ceeri-gaabo iyo kuwa kale , shacabka oo waxaa la arkayaa safaf dhaadheer ugu jira codeynta.
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaaday Muuse Biixi ayaa saaka durba codkiis dhiibtay madaama uu xaq u leeyahay codkiisa inuu ama isku codeeyo ama musharax kale u codeeyo.
Loolankaan oo aad u adag ayaa ay macquul tahay inay dhibco isku dhaw ku kala baxaan Musharaxa sida weyn sanadkaan u soo diyaar garoobay ee C/raxmaan Cirro iyo Muuse Biixi oo isna aad u loolamaya.
Faysal Cali Waraabe oo musharixiinta ka mid ah islamarkaana ah siyaasi rug-cadaa ah ayaa aad loo saadaalinayaa inuusan rajo badan ka lahayn guusha doorashada walibana xitaa uusan ahayn musharax saameyn ku leh doorashada madaama dad codeynaya ay u kala jabeen C/raxmaan Xiro oo hogaamiya Xisiga Wadani iyo Muuse Biixi oo hogaamiya xisbiga Kulmiye ahna ninka hada madaxtooyada fadhiya.
inta badan bulshada koonfurta Somalia waxay guusha la jecel yihiin C/raxaan Cirro markii ay ka caroodeen talaabada uu Muuse Biixi Itoobiya Heshiiska kula galay inuu siiyo Hantida Somaliland weyn ka dhaxeysa.
Si kastaba doorashada oo aad u adag waxaa la ogaan doonaa natiijada saacadaha soo socda insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM