Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah ayaa goor dhaweyd oo barqadii ah waxay ansixiyeen habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed.
Hindise Sharciyeed-yadaan waxaa ku shaqeyn doona Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga.
Advertisement
Mooshinkaan waxaana ogolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Advertisement