ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga ayaa lagu shaaciyay war aan farxad gelineyn Itoobiya, islamarkaana garab istaag u ah Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Midowga Afrika waxay sheegeen in howl-galka cusub ee Somalia ay ka qeyb-geli doonaan kaliya dalalka dhowray ama ixtiraamay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya taasoo cadeyneysa in warkaasi toos ugu socdo Itoobiya oo la ogyahay sanadkaan bilowgiisa inay ku soo xad-gudbeen madax banaanida somalia.
War-saxaafadeed-ka ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga waxaa sidoo kale lagu sheegay inay la tashiyo la sameynayaan dalalka muujiyay inay diyaarka u yihiin inay ciidamo u diraan howlgalka cusub ee (AUSSOM) kaasoo lagu fasirey taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika Waxa kale oo uu soo saaray bayaan ay ku bayaaniyeen nuxurka shirka iyo go’aamadii ka soo baxay golaha ammaanka,waxay cadeeyeen in howlgalkaasi ay hogaamin doonto Dowlada Faderaalka Soomaaliya islamarkaana ay arimahaasi kala hadleen madaxda Dowlada Somalia.
Golaha ammaanka wuxuu ku dhawaaqay in guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uu dowladda federaalka Soomaaliya kala tashan doono ciidamada howlgalka ku jira iyo dalalka ay ka imaanayaan madaama Dowlada Somalia ay iyadu xulan doonto dalalka ay rabto inay kala qeyb-qaataan howlgalka cusub kaasoo badeli doona Atmis.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar uu soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Itoobiya wuxuu faray gudiga Midowga Afrika si loo xaliyo khilaafka labada dal,in la adeegsado qidad kasta oo diblomaasiyadeed
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement