Sida lagu shaaciyay TV-ga Qaranka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa ka hortagay weerar maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan magaalada Masagawaa ee Bariga Gobolka Galguduud.
Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo kawar qabay weerarka ayaa cashar u dhigay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee la soo qalday, ciidamada ayaa sii daba jooga firxad argagixisada waxayna howlgal ka wadaan dhulka ku teedsan degaanka Dhabaqle.
Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in khawaarijta la gaarsiiyay khasaare xooggan, haddana ay socoto tirinta dhagarqabeyaashii lagu laayey halkaas.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidaan oo kale dhoor jeer khawaarijta ku jabiyay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay khawaarijtii soo qaaday weerarrada naf lacaariga ah.
Advertisement