Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta ugu deeqay maxaabiista ku xiran xarunta dambi baarista ee CID, Taliska Taraafikada, iyo xabsiyada saldhigyada gobolka Banaadir kutubo Qur’aan iyo dhar, iyada oo ujeeddadu ahayd dhiirrigelinta iyo daryeelka maxaabiista.

Deeqdaan oo ka timid xafiiska Taliyaha Ciidanka Boliiska, waxaa si rasmi ah maxaabiista ugu qaybiyey Taliyaha Ciidanka Taraafikada ee gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Saciid Cali Maxamuud (Saciid Baryare), iyo Taliyaha Qeybta Baarista Dembiyada, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).

Taliye Asad ayaa xoojiyey baahida loo qabo ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka maxaabiista, taasoo qayb ka ah dib-u-habaynta hay’adaha ammaanka.May be an image of 5 people and textMay be an image of text
May be an image of 7 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here